Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo ka jawaabtay cabashada loo jeediyey shirkada Ethiopian Airlines

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka jawaabtay cabasho ka soo yeertay Guddiga Ganacsatada Diyaaradaha Soomaaliya, cabashadaasi oo ay ka keeneen Shirkadda Ethiopian Airlines oo Gobolo ka mid ah Soomaaliya Safar ku tagta.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Oomaar ayaa sheegay inuu jiro heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan dhanka Duulimaadyada ah, kaasi oo horay loo kala saxiiday 1988.

Wuxuu sheegay heshiiskaasi inuu dhigaayo in Diyaarada Ethiopian Airlines ay si toos ah uga soo bixi karto Addis Ababa ayna u safri karto magaalo ka mid ah dalka Soomaaliya, balse heshiiska uusan dhigeyn in Muqdisho ay ka baxdo oo Boosaaso ay u safarto.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay kaliya in heshiiskaasi uu sidaasi dhigaayo, balse aysan jirin duulimaad Shirkadda Ethioopian Airline ay ka dhex sameyso Magaalooyin ka mid ah Soomaaliya.

“Maya Diyaarada Ethiopan Airlines waxa ay fasax u qabtaa labada dal dhexdooda inay ka shaqeyso, Marka ma jirto Diyaarada Itoobiya Airline oo wadanka gudihiisa rakaab ka qaada oo Muqdisho inta ka qaado Boosaaso ay ku tageyso, laakiin waxa ay sameysaa duulimaad ay uga soo baxeyso Itoobiya gudihiisa oo ay ku tageyso Hargeysa iyo Garowe.” Ayuu yiri Wasiir Oomaar oo la hadlay VOA.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa duulimaad uga dagata Magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa, iyadoo sanadkaan qaaday qaar ka mid ah xujeyda Somaliyed, taasi oo Shirkadaha cabashada ugu wayn ay ka keeneen.

Labadan Magaalo ee ay ka dagato Shirkadda Diyaaradaha Itoobiya ayaa waxaa loo ogol yahay kaliya marka ay ka duusho Addis ababa sida heshiiskaasi uu dhigaayo.

Hoos ka dhageyso wareysiga

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/b1630ba9-0a1c-498f-8558-10b794fb4c3a_48k.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this