Sign in to follow this  
Deeq A.

Hilaal oo dib shaqadiisa ugu soo celiyey agaasime Karar Shukri Doomey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha wasaaradda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Karar Shukri Doomey ayaa maanta dib loogu soo celiyey shaqadiisa kadib ku dhowaad bil bar markii laga joojiyey.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimaha, 25-kii June, isaga oo ku eedeeyey inuu ku xadgudbay xilkiisa, islamarkaana kala qeybsanaan ka dhex-abuuray shaqaalada wasaaradda.

Hilaal ayaa sidoo kale ku eedeeyey Karar Shukri inuu sameeyey “qaladaad qaran oo dhowr ah.”

Si kastaba, Hilaal ayaa warqad uu maanta soo saaray ku sheegay inuu dib shaqadiisa ugu soo celiyey Karar Shukri Doomey, kadib markii “la saxay arrimihii shaqada looga joojiyey.”

“Kadib markii aan saxnay umuurihii shaqada looga joojiyay agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mr. Karar Shukri Dhomey oo muddo shaqo hakis ku jiray ayaan maanta si rasmi ah ugu fasaxay shaqadisii, si uu u guto waajibaadka qaran ee loo igmaday. Shaqo wacan agaasime.” Ayuu yiri Hilaal.

Hoos ka aqriso warqadda

419037498-1.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this