Sign in to follow this  
Deeq A.

Daily Mail: Ilhaan Cumar oo la saaxiibtay nin caddaan ah oo xaas leh + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Mail ee  caanka ah ayaa qoray in Ilhaan Cumar ay xiriir hoose la leedahay nin kaaliye u ah oo lagu magacaabo Tim Mynett.

Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday in la arkay Ilhaan iyo Tim oo ayaga oo gacmaha is-haysta ka casheenaya maqaayad Talyaani ah oo ku taalla magaalada Los Angeles, bishii March.

Ilo-wareedyo ayaa Daily Mail u sheegay in Ilhaan oo 37 jir ah iyo Tim oo 38 jir ay xiriir hoose lahaayeen muddo dhowr bil ah.

Tim ayaa waxa uu qabaa haweeney lagu magacaabo Dr. Beth Mynett, hase yeeshee waxaa la sheegay inuu dhowaan ka tagay gurigii xaaskiisa islamarkaana hadda ku nool yahay guri ku yaalla magaalada Washington DC oo sidoo kale Ilhaan ay ku nooshahay, ayada oo xubin ka ah Aqalka Wakiilada Mareykanka .

Sawirro ayaa muujinaya in Tim iyo Ilhaan ay si joogto ah isu dhinac joogaan, ayaga oo ka qeyb-galaya dhacdooyin dhowr ah, islamarkaana u wada safray magaalooyinka Los Angeles, New York City, Austin iyo Seattle.

Tim ayaa sidoo kale la sheegay inuu waqti la qaato gabadha Ilhaan ay dhashay ee Isra oo 16 jir ah, ayada oo sawirro ay muujinayaan saddexdooda oo wada jooga, waxaana markii ugu dambeysya la arkay bishii July ee dhammaatay.

Tim waa nin ka shaqeeya istaraatiijiyadda dhanka doorashooyinka ee dimoqraadiga, waxaana la sheegay in ololaha Ilhaan Cumar ay 250,000 oo dollar siiyeen shirkad lagu magacaabo E Street Group oo uu leeyahay, taasi oo shaqooyin u qabatay Ilhaan.

“ICashada caashaq” ee Ilhaan iyo Tim ayaa timid maalmo kadib markii Daily Mail ay shaaca ka qaaday in Ilhaan ay ka guurtay ninkeeda Axmed Xirsi, oo ah aabaha saddexdeeda carruur, islamarkaana uu u socdo qorshe furriin.

Afhayeenka Ilhaan, Jeremy Slevin ayaa diiday inuu ka jawaabo arrintan mar ay wax ka qeydiisay Daily Mail.

Sidoo kale, xaaska Tim ee Beth oo ah dhaqtar ka howl-gasha qeybta xabsiyada ee dowladda hoose Washington DC ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiso arrintan.

Tim ayaa bilihii ugu dambeeyey lagu arkayey dhammaan dhacdooyinka ay ka qeyb-gasho Ilhaan Cumar.

Waxa ay ka wada qeyb galeen munaasabad bishii March ka dhacday xaafadda Woodland Hills ee magaalada Los Angeles oo uu qabtay  Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee CAIR.

Maalinkii xigtay munaasabaddaas ayaa la arkay Ilhaan iyo Tim oo ka wada baxaya maqaayadda caanka ah ee Caffé Pinguini ee xaafadda Playa Del Rey eee Los Angeles.

Qof goobjooge ahaa ayaa u sheegay Daily Mail inuu arkay Ilhaan iyo Tim oo gacmaha isku haysta dibedda maqaayaddan, oo caan ku ah dadka is-qarinaya.

“Su’aasha ayaa ah, maxay u doorteen maqaayaddan. Playa Del Rey ma ahan meel si kam ah la isaga yimaado. Waxaa halkan yimaada kaliya qofka doonaya inaan la arkin” ayuu yiri goobjoogaha oo qadaay Video laga duubay Ilhaan iyo Tim.

Hoos ka daawo muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday Ilhaan iyo Tim. Sawirrada qaar waxaa ka muquda xaaska Tim ee Beth.

16738608-7306417-image-m-5_1564605062252 16680554-7301469-image-a-10_156450008665 16739068-7306417-image-m-18_156460583100 16739076-7306417-image-a-17_156460582914 16957784-7306417-image-a-1_1565115388307 16957786-7306417-image-a-4_1565117448606 16729208-7306417-image-m-7_1564605276879 16916944-7306417-DailyMail_com_approache 16956620-7306417-image-m-4_1565104456506 16729236-7306417-Mynett_is_currently_mar 16967284-7306417-image-a-6_1565124377737

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this