Sign in to follow this  
Deeq A.

Isku day uu xabsiga uga baxsan rabay madaxweyne CABDI ILEY oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu fashilmay isku day la doonayey in uu xabsiga uga baxsado madaxweynihii hore ismaamulka Soomaalida dalkaasi Cabdi Maxamuud Cumar.

Koox hubeysan oo dhalinyaro ah ayaa la sheegay in isku deyday inay xabsiga ka sii deyso Cabdi Maxamuud Cumar, balse waxaa ka hortagay ciidamada ammaanka, kadib iska hor imaad dhex maray labada dhinac.

Sida ay qortay Addis Standard, kooxdan ayaa xabsiga uu ku xiran yahay madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya shantii bishan hordhigay gaari nuuca VAN ah, si uu ugu baxsado, balse isku daygaasi uu fashilmay.

Addis Standard ayaa intaasi ku dartay in gacanta lagu dhigay raggii dambeeyey, falkaasi, islamarkaana la xiray.

Sidoo kale saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in xilliga uu dhacayey falkaasi uu Cabdi Maxamuud Cumar ku maqnaa maxkamadeyntiisa, islamarkaana ay doonayeen raggaasi in marka la soo celiyo ay xoog kula cararaan.

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xabsiga loo taxaabay lixdii August ee sanadkii 2018-kii, waxaana loo heystaa eedeymo ay ka mid yihiin dil, jir dil, barakicin, gudbidda goobo ganacsi iyo kaniisado.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this