Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo Garoowe ka furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo ay ay soo qaban qaabisay Wasarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiinta wasaaradda Caddaaladda Puntland, Bahda Garsoorka, saraakiisha hay’adda UNDP iyo Odayaal Dhaqameed ku shaqeeya habka Garsoor Dhaqameedka.

Shirkan oo socon doona laba beri, waxaa looga hadli doonaa, sidii sare loogu qaadi lahaa,dhammaan Garsoor Dhaqameedka iyo sidii looga soo saari lahaa Xeerar iyo Siyaasado lagu hago Garsoor Dhaqameedka.

Sidoo kale, shirka waxaa looga hadli doona, wada-shaqeynta laamaha Garsoorka Dowlada iyo Garsoor dhaqameedka iyo sidii xogaha ama kiisasaska ay u noqon lahaayeen kuwa keydsan oo markale laheli karo, hadii loo baahdo.

Shirka Garsoor Dhaqameedka waxaa kale oo diiradda lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa, loona xallin lahaa khilaaf kasta oo bulshada soo wajaha.

Hoos ka eeg sawirada Shirka

  • 1-22.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-23.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-19.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-17.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-16.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-13.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-13.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 13-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 14-6.jpg?w=1000&ssl=1
  • 15-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 16-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 17-5.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST


The post Shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this