Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Koormeer shaqo oo muhiimaddsii ahayd korjoogtaynta hannaanka shaqooyinku u socdaan ku tegay qaar kamida Wasaaradaha dowladda Puntland ee caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiir ku-xigeeno, Wasiiru Dowlayaal, Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo warbixino ka dhegaystay masuuliyiintan kala duwan ayaa bogaadiyey shaqada muuqata ee ay u hayaan shacab waynaha Puntland, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan.

  • 1-23.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-24.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-22.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-17.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-16.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 13-8.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Qaar Ka Mid Ah Wasaaradaha Dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this