Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Beesha Habargidir oo 15 neef oo geel ah iyo 40 ari gaysay tacsida Yariisow

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal, waxgarad iyo siyaasiyiin ka socday beesha Habargidir ayaa maanta tacsi ugu tagay qoyska allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay gogosha tacsida Injineer Yariisow geeyeen 15 neef oo geel ah, 40 neef oo ari ah, iyo gaari weyn oo raashin ah.

Xubnaha beesha Habargidir ayaa waxaa hogaaminayey madaxweynihii hore ee mamaulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana ku wehliyey xubno sare oo ka mid ah dhaqanka beesha.

Beesha Habargidir ayaa waxaa tacsida ka guddoomay qoyska Yariisow iyo waxgarad iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal ee uu Yariisow kasoo jeeday.

67707317_2442192769174530_61350816094617 67593381_2442193152507825_44572094794479 67726147_2442192945841179_48610074912756 67760358_2442192592507881_36704783768517 67780574_2442193065841167_64753027623000 67795444_2442192872507853_90344978392411

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this