Deeq A. Posted August 7, 2019 Muqdisho (SMN) –Afhayeenka golaha shacabka ee BFS, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa shaaciyey in la soo xiray kalfadhigii 5-aad ee golahaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiye Mursal oo ku taariikheysneyd 4-tii bishan August ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 5-aad uu soo xirmay 27-kii bishii hore ee July, sidaas darteedna ay fasax laba bilood ah ay galayaan Xildhibaanada golaha shacabka. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka uu furmi doonao 27-ka bisha September ee soo socota. Halkan hoose ka akhriso: View the full article Share this post Link to post Share on other sites