Deeq A. Posted August 7, 2019 Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay suuqa bakaaraha ee Muqdisho ay ka geysteen fal dil ah. Goobjoogeyaal kala duwan oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyey in dableyda ay khaarijisay wiil dhalinyarro ahaa. Ragga hubeysan ayaa la tilmaamay in ay durba ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen, oo ay soo gaareen ciidamadda. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay dhacdadan oo laamaha ammaanka dowladda aysan wali ka hadlin. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saartay mas’uuliyadda falkan, oo imaanaya xili nabad-gelyadda ay soo hagaageyso. View the full article Share this post Link to post Share on other sites