Deeq A. Posted August 7, 2019 Kismaayo (SMN) – Ciidamadda ammaanka Jubbaland ayaa shaaciyey in howlgalo ay ka sameeyeen duleedka Kismaayo ay kusoo qabteen tobanaan ruux. Howlgaladda oo lagu sheegay kuwa ammaanka lagu xaqiijinayey ayaa si gaar ah uga dhacay degmadda Afmdow ee gobolka Jubadda Hoose. Taliyaha amniga degmadaasi ayaa shaaciyey in dhaqdhaaqyaddaasi looga hortagayo falal liddi ku nabad-gelyada oo ay Al-Shabaab geysato. Gaashaanle Mahad Maxamed Islaam ayaa intaasi ku daray in ay doonayaa in in doorashadda maamulkaasi ay ku qabsoonto si nabad ah. Doorashadda dowlad goboleedkaasi ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto bishan August, iyadda oo ay haatan socdan soo xulista Xildhibaanada cusub. View the full article Share this post Link to post Share on other sites