Deeq A. Posted August 7, 2019 Nairobi (SMN) – Golaha sharci dejinta waddanka Kenya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kulan ku yeesheen xaruntooda magaaladda Nairobi ee xarunta dalkaasi. Ajendaha fadhigaasi ayaa waxa uu ahaa ka doodista dacwadda sanadkii 2014-kii ay Soomaaliya ka gudbisay xiisadda badda. Mudaneyaasha ayaa la sheegayaa dooda kadib ay qaraar kasoo saari doonan gal-dacwadeedkaasi oo horyaala Maxkamadda Cadaaladda Dunida. Xeer-beegtadda ICJ ayaa shaaca ka qaadey in ay bisha September dib u bilaabeyso dhageysiga kiiskaasi, kadibna ay soo saareyso go’aanka. Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku haysa xuduud dhul-badeed gaar ahaan goob badkeeda lagu qiyaasay 100 KM oo isku wareeg ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida shidaalka iyo gaaska. Xukuumadda Nairobi ayaa tan iyo xiligaasi waxay dalbaneysay in wada hadal lagu dhameeyo kiiskan, balse dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysatay in ay ka dhowr-sugeyso go’aanka Maxkamadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites