Deeq A. Posted August 7, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay doonayaan in ay noqdaan garab siyaasadeed oo awood leh, kadib wareysi uu siiyey wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Francisco Madeira ayaa sheegay in iyaga oo adeegsanaya Islaamka oo ah Diin wanaagsan ay qorsheynayaan tallaabo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay. “Argagixisada waxay dooneysaa awood siyaasadeed, iyaga oo adeegsanaya Islaam oo ah Diin wanaagsan oo nabad ah.” ayuu yiri Ambassador Madeira. Wuxuu intaasi ku daray in aysan si foolka fool ah Al-Shabaab ula dagaalami karin AMISOM, balse ay adeegsadaan kaliya taatikada dagaalka ee Jabhadeynta. Dhinaca kale ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, ahna madaxa guud ee howlgalka AMISOM ayaa ka hadlay doorka ciidamada dowladd Kenya ay ku leeyihiin dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Madeira ayaa xusay in ciidanka Kenya ay fureen waddooyin in muddo ah u go’doonsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhibaatooyin ku qabeen shacabka gobollada Jubbooyinka Sidoo kale wuxuu ku boggaadiyey ciidamadaasi, sida ay uga hortagaan weerarada ay geystaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Ugu dambeyn waxa uu uga mahadceliyey dowladda Kenya sida ay uga qeyb qaadaneyso dadaallada la doonayo lagu nabadeeyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites