Deeq A. Posted August 7, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo laga sameeyey degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa si wadajir ah u filiyey ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa nabad sugida ee maamulkaasi. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Afmadow Mahad Maxamed Islaam ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan u ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu soo qab qabtay rag lala xariirinayo Al-Shabaab, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Taliye Mahad Maxamed Islaam ayaa intaasi ku daray in ay gaari doonaan deegaanada hoostaga degmada Afmadow, si ay uga saaraan dagaalyahannada Al-Shabaab. Muddooyinkii dambe Jubbaland ayaa howlgallo ballaaran ka waday gobolka Jubbada Hoose, maadaama dhowaan doorasho ay ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites