Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo tallaabo ka qaadeyso ergadii fulisay amarka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Jubbaland Mudane Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan, islamarkaana tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii fuliyey amarka Al-Shabaab ee tegay deegaanadooda.

Cabdi Mahdi oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa tilmaamay in odayaashaasi ay la kulmi doonaan ciqaab isugu jirta ganaax, xabsi iyo kalsooni kala noqosho odaynimo .

Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay gobolka Baay illaa 80 oday oo ay sheegeen inay ka yimaadeen maamullada Jubbaland iyo K/ Galbeed.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cod-jubbland.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this