Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo dhaliil adag u jeediyay hay’adaha Qaxootiga ka shaqeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka sanadlaha ee guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika oo ka furmay Magaaladda Johannesburg ee Dalka koonfur Afrika waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha oo shirka ka jeediyay qudbad ku baxeysay luuqada Ingiriiska waxa uu kaga hadlay dhowr qodod oo quseeyay Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha Soomaaliya iyo tan guud ahaan qaaradda Afrika.

Waxyaabaha uu Guddoomiyaha golaha shacabka uu qudbadiisa diirada ku saaray waxaa ka mid ahaa xal u helida u helida Arrimaha dadka barakacyaasha ah oo ah dadka gudaha ku barakacay iyo sidoo kale qaxootiga isagoo tusaale usoo qaatay xadiga ama tirada dadka qaxootiga ah ee Afrika ,sidoo kalena Marka la fiiriyo dadka gudaha ku barakacay Dalka Soomaaliya uu yahay wadanka ugu badan, dhanka soomaaliya xal u helida arrinta barakacyaasha iyo qaxootiga ay Marka hore ka horeyso sida uu sheegay in dalka dhaqaale ahaan kor loo qaado isagoo tilmaamay in hadii kobac dhaqaale uu yimaado arrimaha qaxootiga iyo barakacyaashana xalkeeda la helaayo.

Mar uu ka hadlayay kaalinta hay’adaha ka shaqeeya dhinaca bani’aadanimada waxa uu sheegay in uu jiro gaabis dhankoooda ama doorkooda arrimahaas la xiriirta Oo aan u muuqan Sidii loo baahnaa taasina uu sheegay in laf ahaanteeda ay tahay mid u baahan in xalkeeda la raadiyo.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhamaan dalalka Qaaradda Afrika gaar ahaan baarlamaanada Afrika waxa uu u sheegay in loo baahanyahay qorshe guud oo wax looga qabto Arrimaha qaxootiga iyo barakacyaasha si taas ay suuragal u noqotana ay Muhiim tahay in guud ahaan dalalka Afrika ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay dhinaca xalinta khilaafyada ee qaaradda iyo sida xalkooda loo wajaho ayuu soo hadal qaaday in ay badatay in xalinta khilaafyada hub ama hanaan aan wada hadal aheyn loo adeegsado taasina uu sheegay in ay kaga haboontahay in khilaaf kasta iyo kala aragti duwanaansho walba lagu xaliyo wada hadal dadka ay quseysana loo sameeyo dib u heshiisiin dhab ah maadaamaa aduunyadu hada ay u gudubtay in wax walba xalkooda dib u heshiisiin lagu dhameeyo.

Halkan ka daawo Khudbaddiisa

  • 222.jpg?w=1000&ssl=1
  • 444.jpg?w=1000&ssl=1
  • 555.jpg?w=1000&ssl=1
  • 666.jpg?w=1000&ssl=1
  • 1111.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3333.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Mursal oo dhaliil adag u jeediyay hay’adaha Qaxootiga ka shaqeeya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this