Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo hub ka qaadeyso odayaashii fuliyey amarka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) –Jubbaland ayaa shaacisay in hub lagu dagaalamayo Al-Shabaab iyo tallaabo adag ay ka qaadeyso odayaashii fuliyey amarkii ka soo baxay ee dhowaan tagay deegaanada ay ka arrimiso.

Lataliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay la xisaabtamayaan odayaashaasi, islamarkaana ay dhigi doonaan xabsiga muddo lix bilood ah.

Wuxuu tilmaamay in lagu ganaaxi doono mid kasta in uu keeno labo qoray, sidoo kalena lagala noqon doono kalsoonida odaynimo, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa xusay in aan loo dul qaadan doonin dadka la xariira ama la macaamila Al-Shabaab ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo adaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab ay ku soo bandhigtay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay illaa 80 oday dhaqameedn oo ay sheegeen inay ka yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-jubbland.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this