Deeq A. Posted August 7, 2019 Bariire (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro ballaaran oo xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Sh/ Hoose. Weerarada oo ahaa kuwa is xig xigay oo gaarayey illaa saddex ayaa waxa ay Al-Shabaab ku qaadeen koontaroolka laga soo galo deegaankaasi. Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah weeraradaasi kadib ayaa waxaa xigay dagaallo foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinaca ka soo gaaray dagaalladaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya. Dhinaca kale ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ka wada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa isku fidiyey xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi, kadib markii ay shalay kala wareegeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan baaritaanadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites