Deeq A. Posted August 7, 2019 Baydhabo (SMN) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay ku dhowaad 100 oday oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Odayaashan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 80 oday ayaa waxa ay Al-Shabaab shaacisay inay ka kala yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Goobta lagu soo bandhigay odayaashani ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay in ay aqaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey ergadaasi, sida ay hadalka u dhigeen. Shantii bishan August ayey aheyd markii Al-Shabaab 86 oday dhaqameed ay ku soo bandhigtay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay tilmaameen in ay ka soo kala jeedeen maamullada Galmudug iyo HirShabelle. Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in ay deegaanadeeda iska soo diiwaan geliyeen 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites