Sign in to follow this  
Deeq A.

Israel oo sheegtay in ay ka qeyb-qaadanayso ilaalinta dalalka Khaliijka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha debadda waddanka Israel, Yisrael Katz ayaa shaaciyay in dalkiisu ku biirayo, Qorshaha Maraykanka iyo Xulafadiisa Gacanka Carabtu ay ku doonayan, in lagaga hortago khatarta dowladda Iran ee ku wajan biyaha Khaliijka Carbeed.

Warbaahinta Israel ayaa baahisay, in wasiirku uu hadalkan ka sheegay, kulan albaabadu u xirnaayeen oo guddiga Arrimaha debadda ee Baarlamanka Israel ay ka yeesheen, Qorshaha Maraykanka ee ku aaddan, ka hortagga khatarta Iran ee biyaha Khaliijka Carbeed.

Mr Yisrael Katz ayaa tilmaamay, in Israel ay hadda qeyb ka tahay, wada-hadallada u socdo Maraykanka iyo dalalka Khaliijka ee la xiriirta sida looga hortagi karo, khatarta ku wajahan gobolka ee ka imaanaysa dowladda Iran.

Wuxuu intaasi raaciyay, in Qorshaha Maraykanka uu ka wado wadamada khaliijka ay ka arkeen danaha Israel, maadaama lagu waabinayo awoodda dowladda Iran, haddana lagu xoojinayo xiriirka Israel iyo dalalka Khaliijka.

PUNTLAND POST

The post Israel oo sheegtay in ay ka qeyb-qaadanayso ilaalinta dalalka Khaliijka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this