Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabaab oo markale soo bandhigtay 80 ERGO ah oo ay cafis u fidisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay deegaanka Buula Fulaay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay ku dhowaad 100 oday oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Odayaashan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 80 oday ayaa waxa ay Al-Shabaab shaacisay inay ka kala yimaadeen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Goobta lagu soo bandhigay odayaashani ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay in ergadan ay aqaleen baaqoodii, islamarkaana la cafiyey, sida ay hadalka u dhigeen.

Shantii bishan August ayey aheyd markii Al-Shabaab illaa 86 oday dhaqameed ay ku soo bandhigtay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay tilmaameen in ay  ka soo kala jeedeen maamullada Galmudug iyo HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in ay deegaanadeeda iska soo diiwaan geliyeen 159 oday oo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Bayaanka Al-Shabaab ee la xariira ergada ayaa soo baxay 15-kii bishii hore ee July, iyaga oo markaasi u qabtay odayaasha inay isku soo diiwaangeliyaan muddo 45 cisho ah, kadib markii ay ku eedeeyeen inay ku kaceen fal Gaalnimo ah.

99.jpg 11-1.jpg 22-1.jpg 44.jpg 55.jpg 77.jpg 88.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this