Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka philippines oo xaalad deg deg ah la geliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda dalka philippines ayaa xaalad deg deg ah ku dhawaaqday, kaddib markii ilaa 622 qof ay gudaha dalkaasi ugu dhinteen cudurka dengue oo ah cudur ay gudbiso kaneecada teeda dheddiga ah.

Wasiirka caafimaadka waddanka philippines Francisco Duque ayaa sheegay, in todobadii bilood ee sannadkan u horreeyay la diiwaan-geliyay in ka badan 146,000 qof oo uu soo ritay cudurka Denga, waxaana uu tilmaamay in boqolkiiba % 98 ay si xawliya ku socoto faafista cudurka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladda deg deg ah ee dalka la geliyay ay u golaaneyso dowladaha hoose ee magaalooyinka, in ay helaan kaalmo deg deg ah oo ay kula tacaalaan cudurka.

PUNTLAND POST

The post Dalka philippines oo xaalad deg deg ah la geliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this