Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo todobaad guhiis soo bandhigtay 160 oday-dhaqameed oo ka kala yimid afar dowlad goboleed

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda Al-shabaab ayaa degaanka Buula-fulay ee gobolka Baay ku soo bandhigtay, madax-dhaqameed ay sheegtay in ay kamid ahaayeen, ergooyinkii soo xulay Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal iyo sawirro ay baahisay warbaahinta Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in munaasabad Towbad-keen ah loo qabtay 80 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha oo fulinaya amarka Al-shabaab, ay uga yimaadeen degaannada Koofur Galbeed iyo Jubaland, si ay uga towbad keenaan soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto labadaasi dowlad goboleed.

Waxa kale oo Al-shabaab ay sheegtay in dhammaan odayaasha mar kale towbadda loo qabtay, dabadeedna muxaadirooyin dhaqan-celin ah la siiyay, laguna amray in ay degaannadoodii gaarsiiyan farriinta Al-shabaab.

Waa markii labaad oo todobaad gudihii ay Al-shabaab soo bandhigto odayaal-dhaqameed ay ku sheegtay in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Federaalka, iyadoo maalmo ka hor soo bandhigtay in ka badan 80 oday oo ka yimid Galmudug iyo Hirshabeelle.

Halkaan ka eeg sawirada

  • 2-17.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-16.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-14.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-13.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo todobaad guhiis soo bandhigtay 160 oday-dhaqameed oo ka kala yimid afar dowlad goboleed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this