Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Jowhar oo biyo la’aan daran wajihi doonto maalmaha soo socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay biyo la’aan daran marti geliyaan dadka ku nool magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka HirShabeelle iyo nawaaxigeeda sida ay noo sheegeen Saraakiil katirsan Gobalka.

Sababta arintaan ayaa lagu sheegay in farsamo lagu sameyn doono hal Ceel Biyood oo aad looga isticmaalo magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelada Dhexe sida ay sheegeen dadka degaanka.

Saraakiil katirsan Shirkadda Farjano ayaa dadweynaha Jowhar ku wargeliyay in dib u habeyn lagu sameyn doono Ceelka biyaha ee Shirkadda mudadaasna ay magaalada Biyo la’aan ahaan doonto.

Shirkadda ayaa la sheegay in ay dadka ku wargelisay arrintaan waxaana qoysaska qaarkood bilaabeen in ay sameestaan keydad biyo halka qaar kalane aysan heysan, sida ay soo sheegayaan dadka Jowhar ku nool.

Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle inta badan malahan Keydad biyo iyo haaman waa-wayn oo markaan oo kale la isticmaalo, waxaase aad looga wal walayaa sida ay wax noqon doonaan.

Jowhar waxaa ku yaala hal Shirkad oo kaliya oo biya siisa dhamaan Xaafadaha magaalada Jowhar waxa ayna arrintaan saameen ku yeeleyn kartaa guuda ahaan Jowhar iyadoo aysan jirin wax kale oo dadaal ah oo socda.

Lama oga mudada ay qaadan karto dib u hagaajinta Haamanka Biyaha ee Shirkadda waxaase la filayaa in ay maalmo qaadato hadii aysan ka badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this