Sign in to follow this  
Deeq A.

Shillin Somali la’aan darteed oo looga qaxay Beledweyne iyo ganacsigii oo burburay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Dadkii ugu badnaa ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay ka baxay magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan waxaana aad looga dareemaya Guud ahaan gobalka gaar ahaan magaalada Beladweyne.

Sidoo kale Ganacsigii ugu badnaa ayaa ku bur buray magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobalka Hiraan. Qiyaastii wax ku dhow 3 kun oo ganacsi ayaa suuqa ka baxay waxaana sidoo kale la waayay dhamaan ganacsigii yaraa ee la wareejin jiray iyo maqaayadihii yaraa ee dadka danyarta ah.

Arimahaan oo dhan ayaa waxaa sabab u ah kadib markii muddo laba sano ah aan lacagta Shilinka Soomaaliga ah laga isticmaalin Guud ahaan Gobalka Hiiraan iyo Gobalada dhexe oo dhan.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Beladweyne 40% dadkii ku noolaa ay u qaxeen Goballada Banaadir, Bari, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose. Qaar kale oo ka tirsan dadkaasi ayaa u qaxay gobalada kale ee Puntland.

Qaar badan oo kamid ah dadkii ku shaqeysan jiray Gaari gacanada ayaa magaalada isaga baxay waxayna ka tageen dhamaan Gaari gacanadooda kadib markii ay qaadan waayeen islamarkaana ay waayeen cid lacag yar ka siisa.

Dadka ku nool Gobalka Hiiraan ayaa wajahaya dhibaatadii ugu darneed taariikhda waxaaana la aaminsan yahay in aysan dhibaatadaan oo kale arkin reer Hiiraan Xataa bur burkii iyo dagaaladii Sokeeye.

Ma muuqato haba-yaraatee wax rajo ah oo ay qabaan dadka ku nool Gobalka Hiiraan oo ku saabsan sidii looga bixi lahaa dhibaatada Gobalka saameysay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka aamustay dhibaatadan mana jirto wax dedaal ah oo gelisay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this