Sign in to follow this  
Deeq A.

Dokumenti: 37 Shaqaale oo laga ceyriyey xafiiska Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, 37 Shaqaale oo ka tirsanaa Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa laga ceyriyey shaqada.

Liiska Shaqaalaha laga ceyriyey Xafiiska ayaa waxaa la dhigay iridda hore ee Madaxtooyada iyadoo Ciidanka ilaalada madaxtooyada lagu amray inaysan shaqaalahaas soo geli karin.

Warqadda Shaqaalahaan looga mamnuucay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in  loo badalay meel kale inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn laguna qorin waraaqda halka loo wareejiyey.

Qaar ka tirsan Shaqaalaha loo diiday inay soo galaan madaxtooyada ayaa sheegay inuu arrintaan ka dambeeyo Axmed Yuusuf Axmed oo ah agaasimaha guud ee Bii’ada ee Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Shaqaalaha la ceyriyey ayaa ku doodayo in arrintaan ay tahay mid aan loo marin sida saxda ah isla markaasna uu ka shaqeeyey Axmed Yuusuf oo ay sheegeen inuusan isaba aheyn shaqaale rasmi ah.

Shaqaalaha la ceyriyey ayaa waxaa lagu amray inay tagaan Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha, wixii hadda ka dambeeyana aysan soo gelin karin madaxtooyada.

Maalmihii dambe waxaa soo badanayey shaqaalaha laga ceyrinayo xafiisyada Dowladda gaar ahaan kan madaxweynaha iyo kan Ra’isulwasaaraha, waxaana la xasuustaa in horey Xafiiska madaxweynaha looga eryey ku dhawaad 50 shaqaale.

a8a22f0f-6653-4642-8147-f64c843ee963.jpg

8a2280ac-e179-4220-af3e-24cd490bd3c5.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this