Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Jubaland oo maanta seegtay tallaabo muhiim u ahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) – Doorashada madaxweynaha Jubaland ee la qorsheeyey inay dhacdo dhammaadka bishan ayaa u muuqata inay waqtigeeda ka dib dhici karto, marka la eego sida wax u socdaan.

Maanta oo ah 6 August waxaa lagu ballansanaa in lagu dhawaaqo xildhibaanada Maamulka Jubbaland sida ay qorsheeyeen guddiga doorashada ee uu magacaabay madaxweynaha Jubaland..

Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa horey ugu dhawaaqay inay dhammaatay waqtigii is diiwaangelinta Musharixiinta inkastoo ay inta badan musharixiinta ka hor imaadeen maadaama ay ku eedeeyeen guddiga inuusan dhex dhexaad aheyn.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo maalmihii dhowaa ay magaalada Kismaayo isaga daba noqonayeen wafti ka socda beesha caalamka, gaar ahaan ururada Afrika ee IGAD iyo AU.

Beesha Caalamka ayaa Axmed Madoobe ku cadaadinaysa in doorashada ay ka dhacdo goob ay ayada gacanta ku hayso ama dusha kala socoto.

Culeyska badan ee soo fuulay Axmed Madoobe ayaa keenay inuu kasoo dago mowqifkii adkaa ee uu taagnaa, wuxuuna hadda ogolaaday inay doorashada qeyb ka noqdaan Booliska AMISOM oo sugi doono amniga Goobta Doorashada.

Inta badan musharixiinta Maamulka Jubbalanad ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn guddiga doorashada, iyo qaabka ay hadda u socoto soo xulista Xildhibaanada Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadana dooneyso inay meesha ka saarto Axmed Madoobe, waxayna culeys ku saareysaa inuu is casilo sidii Shariif Xasan iyo Xaaf oo kale si ay Maamulkaas ugu dhiibto madaxweyne iyada ka amar qaato, taasi oo Axmed Madoobe uusan marnaba yeeli doonin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this