Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur ma wax uusan ogeyn bishii April ayuu shalay ogaaday mise wax kalaa jira?

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa uu shalay shaaca ka qaaday arrimo badan oo xasaasi ah, oo muujinaya awoodda Al-Shabaab ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Waxaa ugu weynaa inuuu sheegay in kooxdan ay dhaqaale badan ka ururiso magaalada, ayaga oo canshuur ka qaada ganacsiyada magaalada ku yaalla iyo dhammaan badeecadaha kasoa dega dekedda Muqdisho.

“Al-Shabaab waxay ku milmeen Hay’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan oo dollar sanadii. Konteenar kasta oo dekedda kasoo dega waxay ka qaadaan 160 dollar. ”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

In Al-Shabaab ay canshuur ka qaadaan ganacsiyada Muqdisho, waa xaqiiq muddo sanado ah soo jirtay, oo uu ogyahay qof kasta oo magaalada ku sugan, hase yeeshee su’aasha ayaa ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma shalay oo kaliya ayuu ogaaday.

Waxaan sidaas u leeyahay, doodda arrintan ku saabsan waxay mar soo shaac baxday bishii April ee lasoo dhaafay, markaasi oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu si yaab leh uga jawaabay eedeyn ahayd in qaraxyada Al-Shabaab ay maal-geliyaan ganacsiyada lacagta siiya.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia ayaa qoraal uu xilligaas soo dhigay facebook ku yiri “Qaraxyada dalka ka dhaca, gaar ahaan Muqdisho, waxaa ku baxa dhaqaale fara badan. Tusaale, halkii gaari marka qiimaha lagu iibiyay lagu daro lacagta ku baxda walxaha qarxa ee lagu xiro gawaarida oo qaarkood dibadda laga soo dhoofiyo waxay qiyaastii u dhaxaysaa 80 ilaa 100 kun. Xaggee Al Shabaab ka helaan lacagta intaas la eg ee maalin waba lagu xasuuqayo shacabka birimageyda ah?”

Aba.png

Hadalka Cabdinuur wuxuu u dhacayey in Al-Shabaab aysan awoodi lahayn inay qaraxyo fuliyaan haddii aanay helin dhaqaale, waayo qaraxyada waxaa ku baxa qarash aad u badan.

Ma rabo inaan guda galo doodda ah in ganacsatada ay ku saxan yihiin inay lacag siiyaan Al-Shabaab iyo in kale, waayo taas waa lagu kala aragti duwan yahay. Gacansatada waxay ku doodaan in haddii aysan lacagta bixin ay noloshooda halis tahay, oo aysan jirin cid ka difaaceysa Shabaab, halka kuwa taas ka aragtid duwanna ay qabaan in bixinta lacagtaas darteed, qof kasta oo Shabaab ay ku dilaan dhaqaalaha soo gala ay ganacsatada kaalin ku leeyihiin.

Hase yeesee, waxaan rabaa inaaa dib idin xusuusiyo wixii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur xilligaas kaga jawaabay hadalka Cabdinuur. Wuxuu qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri sidan. “Fariimaha maalmahan madaxda dowladda ka soo baxay iyo xogta ay ajnabiga la wadaagayaan wuxuu ujeedkeedu yahay in dadka Muqdisho danbiilayaal laga dhigo. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo lagu eedayo in ay Al-shabaab yihiin, ganacsatada oo lagu eedeeyo maalgelinta qaraxyada Al-shabaab, shacabka oo wada shaqayn la’aan lagu eedeeyo, kuwii gargaarka degdega ah fidinayey oo lagu eedeeyo in lagu soo dhexdhuunto, iyo saxaafadda oo buunbuunin lagu eedeeyo.”

CC.png

Su’aashu waxay tahay haddii afar bilood ka hor uu Cabdiraxmaan Cabsishakuur lahaa in lagu eedeeyo ganacsatada inay lacag siiyaan Al-Shabaab “waa qorshe dambiilayaal looga dhigo dadka Muqdisho”, muxuu shalay isaga u xaqiijiyey in ganacsatada Muqdisho ay bixiyaan canshuurta.

Ma shalay ayuu garowsaday runta, mise weligiis wuu oga oo wuu iska indha tirayey afar bilood ka hor, balse hadda waxaa kasoo gashay dan iyo fursad siyaasadeed oo uu dowladda ku dhaliili karo?

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this