Sign in to follow this  
Deeq A.

Ardayda u tartameyso deeqda waxbarasho ee Hormuud Foundation oo imtixaanka u fadhiistay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si rasmi ah uga bilowday imtixaanka qabuulka ah ee looga gudbayo Deeqaha waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship) taasoo ay dhawaan ku dhawaaqday Shirkadda.

Imtixaanka ayaa waxaa Maanta u fariistay ku dhawaad 300 oo arday kuwaas oo diyaar u ah inay aqoontooda ugu soo gudbaan Deeqaha waxbarasho ee Hormuud Telecom (Hormuud Scholarship).

Ardaydaan waxaa laga qaadan doonaa 30 -ka arday ee ugu sarreysa kuwaas oo nasiib u yeelan doono inay helaan deeqaha Waxbarasho ee Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Hormud Foundation ayaa sheegtay inay imtixaanka sixi doonaan guddi ka madax banaan Maamulka Hey’adda Hormuud Foundation.

30-ka arday ee imtixaanka kasoo gudbo ayaa kala dooran doono Jaamacadaha ugu sareeyo dalka midda ay rabaan, sidoo kalana waxay xulan doonaan kuliyadaha ay rabaan.

Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud Telecom Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa furay imtixaanka Maanta ay ardayda u fadhiisteen, wuxuuna socon doonaa muddo 2 maalmood ah.

Ardayda ka qeyb galeysa imtixaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyey fursadda ay siisay Shirkadda Isgaarssiinta Hormuud oo ay ku tilmaameen inay mar kasta ka qeyb qaadato horumarka qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Maamulka Hormuud Telecom ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay 120 Ardayda ka bixin doonaan Lacagta jaamacadda, iyadoo ardaydaasina loo qaadan doona qeyb qeyb . waxaana ay tani noqoneysaa dafcadii ugu horreysa ee ka faa’iideysan doonta deeqda wax barasho ee Hormuud Telecom.

25f75d7c-dcc6-40e4-9322-ca0446a626d1.jpg

3752379a-7f40-4893-a2c7-a560eb22da37.jpg da1e8a59-21c7-4697-b332-c447d3291ef4.jpg a7b7e777-21b4-4bf4-acb4-c5b1e29c5b6d.jpg 84116a11-ede7-470a-b08e-f7413a0e6fac.jpg 6ba7da81-9c3c-4993-80fa-5f392a2c11d2.jpg 615ef380-8622-4791-ab46-6cc02f5c24bd.jpg 595ca108-b0c1-45f6-8ea8-98050a8a5245.jpg 584aabe7-0317-4a03-a7d1-26b235b3d0a7.jpg 5e1f3fbd-33b7-4f7f-826a-b2ba4ceaf027.jpg cde7fa96-cc61-4ff9-a358-0e4a54e4f450.jpg 20e06cec-3ed6-44f2-b399-bb3528d89ff3.jpg 855e21ff-75f8-4bb5-bf44-09a03287af1e.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this