Deeq A. Posted August 6, 2019 Muqdisho (SMN) – Hay’adda Hormuud Telecom Foundation aya maanta imtixaan ka qaaday illaa saddex boqol (300) oo arday oo ka mid ah ardaydii sanadkan iyo kii hore ka qalin jabiyey iskuullada ku yaalla gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Madaxda Hormuud ayaa sheegay in ardayda gala kaalmaha hore ay siin doonaan Deeq Waxbarasho, islamarkaana ay shirkaddu ka bixin doonto lacagta Jaamacadda. Sidoo kale Hormuud ayaa ballan qaaday in sanad kasta la qaadi doono imtixaankan, si ay uga faa’ideystaan ardayda Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/war-mutawakil-hormuud-sax.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites