Deeq A. Posted August 6, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar) ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii dhaqanka ee fuliyey amarkii dhowaan ka soo baxay Al-Shabaab. Taliye Gadaar oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa shaaciyey in talaabada ay qaadeen odayaashaasi ay tahay mid fuleynimo ah oo aan la aqbali karin. Sidoo kale wuxuu intaasi in haatan wixii ka dambeeya ay odayaashaasi u aqoosanayaan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. “Odayaashii u tegay Al-Shabaab waxaan u aragnaa inay ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaabo ka qaadi doono.” ayuu yiri taliyaha. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay 86 Oday dhaqameed oo 33 ka mid ah ay ka tageen Galmudug, halka 53 kalena ay iska diiwaan geliyeen deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites