Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Warqad U Diray Boqorka Sucuudiga.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Biixi Oo Warqad U Diray Boqorka Sucuudiga
Boqorka Sucuudiga ayaa madaxweynaha Somaliland ku daray martida boqorku sanad walba ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga taas oo uu ugaga mahadcelinayo martiqaadka kuna xusayo xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo Sucuudiga.

Dhanka kale waxa uu Madaxweyne Biixi warqadda ku sheegay in Somaliland tahay dal madax bannaan isagana ay masuuliyaddiisa tahay ilaalinta sharafta iyo qarannimada Somaliland sidaas awgeedna loo soo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, in loo sameeyo hab maamuus madaxweyne iyo in loo abaabulo kulan gaar ah oo uu la yeesho boqorka Sucuudiga.

Madaxweyne Biixi wuxuu warqaddiisa ku muujiyay in aanu martiqaadka Boqorka ku tagi doonin xajka haddii aan la fulin qodobada uu dalbaday.

Boqortooyada Sucuudiga ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka soo bixin qodobada uu dalbaday madaxweynaha Somaliland.

Xigasho: Geeska Afrika

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this