Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF Somalia oo la wareegay Awdheegle

Recommended Posts

Deeq A.   

Awdheegle (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Milatariga Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada oo weerar ku qaaday degmadaasi ayaa si buuxda ula wareegay, kadib markii ay ka saareen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa  sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta ay Al-Shabaab ka saareen Awdheegle, kadib iska hor imaad kooban oo ka dhacay gudaha degmadaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in haatan ciidamadu baaritaano lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadaan halkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo nawaaxiga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayey qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Gaariga oo deyno ahaa, islamarkaana Qudaar siday ayaa la sheegay in Miino ay la kacday, xilli uu ka soo ambabaxay deegaanka Mubaarak, kuna soo jeediyey degmada Awdhiigle oo ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex qof, halka ay ku dhawaacmeen 2 kale oo ka mid dadkii la socday gaarigaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula eegta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this