Deeq A. Posted August 6, 2019 Kismaayo (SMN) – Wakiilka IGAD ee arrimaha Soomaaliya Maxamed Cali Guyo oo malamahan ku sugan magaaladda Kismaayo ayaa ka hadlay doorashooyinka baarlamaaniga iyo mida madaxtinimada maamulka Jubbaland. Guyo ayaa sheegay in IGAD ay ku baaqayso in doorashadda Jubbaland ay u dhacdo si xor iyo xalaal ah oo dhamaan reer Jubbaland ay ku qanacsan yihiin. Ergayga IGAD ayaa maanta kulan kula qaatey magaaladda Kismaayo xildhibaano kuwaas oo kala hadlay sidii doorashada Jubbaland ugu qabsoomi laheyd si nabadgelyo ah, oo loo dhan yahay ka qeyb galkeeda. “Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay ka shaqeeyaan xasiloonida doorashadda Jubbaland, waa muhiim inay codbixinta noqoto mid hufan oo natiijadeeda lagu wada qanci karo.” ayuu yiri Maxamed Cali Guyo. Ergega IGAD ayaa tagey Kismaayo Isniintii lasoo dhaafay, waxaana uu kulama la qaatey mas’uuliyiin kala duwan, oo uu ku jiro Axmed Madoobe, Madaxweynaha uu waqtigiisa dhammaadey ee maamulka Jubbaland. Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa inay dhacdo 24-ka bishan August, waxaana ka soconaya magaaladda Kismaayo olole xooggan oo ay musharaxiinta ugu jiraan inay ku guuleystaan tartanka xilka ugu sareeya ee maamulkan. Axmed Madoobe oo tan iyo markii la aas-aasay Jubbaland 2013-kii Madaxweyne ka ahaa maamulkan ayaa hadda u tartamaya xilka mar 3aad, waxaana Musharrixiinta kale ku eedeeyeen inuu afduubtay hanaanka doorashada Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites