Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war xasaasi ah ka soo saaray doorashada Jubbaland iyo tan 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – War ka soo baxay wasaaradda arriimaha dibadda Mareykanka ayaa ugu horreyn waxaa looga hadlay socdaal uu shalay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda dalkaasi u qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale ku yimid gudaha magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso warbixinta ka soo baxday xafiiska afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka:

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka ugu qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale waxa uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre kula kulmay magaaladda Muqdisho, wuxuuuna mar kale u xaqiijiyey sida ay dowladda Maraykanka uga go’an tahay inay Soomaaliya ka taageeraan Isbedelka siyaasadda, horumarinta shaqaalaha iyo dadaalladda xasilinta ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre waxa uu David Hale warbixin ka siiyey horumaradii ugu dambeeyey ee dhinacyadda siyaasadda iyo nabadda Soomaaliya iyo dadaalka shirarka ee xaaladaha deyn cafinta Soomaaliya, si loo bilaabo in Soomaaliya loo ogolaado inay amaah ka qaadan karaan hay’adaha maaliyadda ee caalamka.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka ugu qaabilsan dhinaca siyaasadda, David Hale waxa kale oo uu ka hadlay rajada dowladda Mareykanka ee ku aadan inay doorasho lagu kalsoonaan karo oo nabad leh ka dhici doonto dowlad gobaleedka Jubbaland dabayaaqada bishan August.

Waxa kale oo dhiirogeliyey horumarka geeddi socodka ee horseedi karta inay doorasho hal qof iyo hal Cod (one-personand one-vote ) ee doorashadda Qaranka ee Soomaaliya ka dhici doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2020-ka.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, Moroan Oragus waxaa lagu muujiyey inay David Hale iyo Xasan Cali Khayre isku raaceen qiimaha howlgalladda ammaanka ee lagula wareegayo deegaanadda ay Al-Shabaab maamulaan iyo u diyaar-garowga ciidanka Soomaaliya, si ay AMISOM ugala wareegaan howlaha nabadda iyo deganaanshaha guud ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this