Deeq A. Posted August 6, 2019 (SLT – Hargeysa):- Magaaladada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa xalay markii labaad soo weerartay jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug. Dableey hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka Sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland waxaana mudda saaacad ah halkaasi laga maqlayey dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan. Dableeyda weerarka soo qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac Sidoo kale habeen ka hor ayaa dableey hubaysan oo ka tirsan isla jabhaddan waxay weerar ku qaadeen xerada loo yaqaanno Buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland.Kornaylka kooxdan hoggaaamiya ayaa weerarka hore sheegay in jabhaddiisu fulisay. Source Share this post Link to post Share on other sites