Sign in to follow this  
Deeq A.

Muwaadin U Dhashay Ingiriiska Oo Maxkamadda Soomaaliya Ku Taala Xukun Ku Riday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT – Muqdisho):- Maxkamadda Gobolka Banaadir Ayaa maata markale u fariisatay dhagaysiga Dacwad Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Andrew Braian Irlam oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde).

Maxakamada Gobolka Banaadir ayaa Go’aan ka gaartay waxayna ku xukuntay Inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000 waxayna Maxakamaddu ku waysay Qodobadii lagu soo Eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabad gelyada Guud Ee Qaranka.

Ciidamada ilaalada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa soo bandhigay dhawaan 7 Khasnadood iyo Jaakadaha anay Xabbaddu Karin oo ay ku heleen eedeysanaha, xilli uu u safrayay Dalka Imaaraadka Carabta,

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhawaan u fariisatay Kiiska  Andrew Braian Irlam,kaasi oo la qabtay isaga waday Agab Ciidan kana dhoofin rabay Gegida Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this