Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo shaaciyay qodob uu hor dhigi doono shir uu kaga qeyb-galayo Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dalka Koonfur Afrika ku sugan ayaa halkaas uga qeyb-galaya Shirka Afhayeenada Baarlamaanka Afrika oo uu martigelinayo Dalkaasi Koonfur Afrika.

Shirka waxaa ku sugan guddoonada baarlamaanada dalalka Afrika kuwaasi oo shirkoodi diiradda ku saari doonaan arrimo ay kamid yihiin Qoxootiga iyo barakacayaasha Qaaradda Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa dadyowga Afrika oo dhibaatooyinka ku haysta dunida iyo gudaha dalalkoodiba.

Sidoo kale waxaa looga hadlayaa horumarinta iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha isu gudubkiisa iyo wax wada qabsiga wadamada Afrika.
Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lahadlayay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay shirkaasi ku soo bandhigidoonaan dhibaatooyinka haysta qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed,si xal loogu helo,maadaama baarlamaanadu ay ansixiyaan xeerarka dowladuhu ay ku shaqeeyaan.

Anaga Ban Afrika waan kamid nahay,waxaa hadda laga hadlayaa guud ahaan qoxootiga iyo Barakacayaasha Afrika,marka anagana shirkaasi waxaan ku soo bandhigidoonaa arrimaha qoxootiga iyo barakacayaasha Soomaalida iyo sidii xal loogu heli lahaa,waxyabahaasi ayaan diiradda saari doonaan,maadama ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaataysan daafaha caalamka,dunida maanta qaxootiga waxaa lagu qayasayaa 68 Milyen,waxaana 14 Milyen la qayaasayaa in ay yihiin Afrikaan”. ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Mursal oo shaaciyay qodob uu hor dhigi doono shir uu kaga qeyb-galayo Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this