Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee Simbabwe oo xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee waddanka Simbabwe Ropert Mogabe oo mudda 4 bilood ah isbitaal ku yaalla dalka Singpore ugu jira xanuun la soo darsay ayaa haatan xaaladdiisa laga dayrinaya.

Madaxweynaha hadda haya talada Simbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in Mogabe uu muddo 4 bilood ah ba uu kujiro isbital kuyaala dalka Singpore, islamarkaana ay xaaladdiisa caafimaad ka soo raynayso oo uu hadli karo.

Mr Emmerson ayaa sheegay in xanuunka haya madaxweynihii hore Ropert Mogabe aysan weli dhaqaatiirtu shaacin balse ay caddeeyeen in xaaladdiisu soo ka soo raynayso.

Dhaqaatiirta gacanta ku haya ayaa laga soo xigtay in Mogabe u baahan yahay xannaano fiican iyo nasniin dheeraad ah si loo baxnaaniyo xaaladdiisa caafimaad.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii hore ee Simbabwe oo xaaladdiisa caafimaad laga dayrinayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this