Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo wada qorshe halis ku ah Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa wada qorshe ballaaran oo halis ku ah xooggaga Al-Shabaab, kaas oo la doonayo in looga saaro gobolka ay heystaan ee Jubbada Dhexe.

Saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga, gaar ahaan guutada 10-aad ee ka howlgasha gobolka Gedo ayaa sheegay in magaalada Baardheere laga furayo saldhig laga qorshaynayo, sidii Al-Shabaab looga qabsan lahaa gobolka Jubbada Dhexe ee hoostaga maamulka Jubbaland.

Taliyaha guutada 10-aad Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali (Sanka) oo shalay gaaray Baardheere ayaa tilmaamay in si deg deg ah loo furi doono saldhiggaasi .

“Aniga booqashadeyda waxa ay qeyb ka tahay dardargelinta howlgallada socda, qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhig weyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalkiisa Al-Shabaab looga qabsan lahaa guud ahaan gobolka Jubbada Dhexe.” ayuu yiri Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali (Sanka).

Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa guud ahaan gacanta ku heysa Al-Shabaab, waxaana la sheegaa in ay ka soo abaabusho inta badan weerarada iyo qaraxyada ay geysato.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this