Sign in to follow this  
Deeq A.

GALMUDUG oo tallaabo adag ka qaadeyso odayaashii tegay deegaanada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadayaan odayaashii dhowaan fuliyey amarka Xooggaga Al-Shabaab ee tegay deegaanada ay maamulaan.

Taliye Gadaar ayaa shaaciyey in talaabada ay qaadeen odayaashaasi ay tahay mid fuleynimo ah oo aan la aqbali karin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi  in haatan wixii ka dambeeya ay odayaashaasi u aqoosanayaan in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

“Odoyaashii u tegay Al-Shabaab waxaan u aragnaa inay ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaab adag ka qaadi doono.” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug oo hadalkiisa sii wata ayaa uga digay odayaasha ku nool deegaanada maamulkaasi inay qaataan awaamiirta Al-Shabaab, isaga oo xusay in cidii qaadata aysan ku soo laaban doonin deegaanada Galmudug.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ay gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay 86 Oday oo 33 ka mid ah ay ka tageen Galmudug, halka 53 kalena ay iska diiwaan geliyeen deegaanada maamulka HirShabelle.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii Al-Shabaab bartamihii bishii hore ee Jula ay soo saartay digniin ka dhan ah ergadii soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyada oo u qabatay inay isku soo diiwaan geliyaan muddo 45 cisho ah.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this