Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda G/Banaadir oo dambi culus ku heshay nin Ajanbi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakamadda gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska loo heysto Andrew Brain Irlam oo u dhashay dalka Ingiriiska, kaas oo lagu soo eedeeyey qal-qal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ninkan 48 sano jir ah ayaa waxa ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay qodobka 34-aad ee xeerka nabad gelyada Qaranka.

Sidoo kale waxa ay maxkamadda gobolka Banaadir sheegtay in Andrew Brain lagu waayey labo ka mid ah qodobadii lagu soo eedeeyey.

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa ninkan ku xukuntay inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 7,000 oo lacagta Dollarka Mareykanka ah.

Ciidamada ammaanka ee garoonka ayaa horay ninkani ugu soo qabtay 7 khasnadood iyo Jaakadaha aan xabbaddu karin, xilli uu u safrayey dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Andrew Brain Irlam ayaa sidoo kale dhalasho ka heysta dalka Faransiiska, waxaana uu la shaqeyn jiray shirkadda SKA oo mar gacanta ku heysay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this