Deeq A. Posted August 6, 2019 Taliska Booliiska qeybta gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan waxgaradkii dhowaan u tagay Al-shabaab, si loo diiwaangeliyo. G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah taliyaha qeybtan, ayaa sheegay in waxgaradkii iska soo diiwaangeliyey Al-shabaab ay fuleynimo u geysay, balse iyaguna u aqoonsan doonaan iney Al-shabaab ka mid yihiin. Sidoo kale, taliyaha ayaa uga digay waxgaradka ku dhaqan deegaannada Galmudug, iney aadaan deegaannada Al-shabaabka maamulaan. “Odoyaashii u tagay Al-shabaab waxaan u aragnaa iney ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaab adag ka qaadi doonno” ayuu yiri taliyaha. Al-shabaab ayaa dhowaan waxay soo bandhigeen waxgarad badan oo ay sheegeen iney ahaayeen kuwii wax kasoo xulay xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana ay cafis u fidiyeen, Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites