Deeq A. Posted August 6, 2019 Baardheere (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo duleedka degmada Baardheere ee gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa ujeedkoodu waxa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa xoogga dalka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in howlgalladu ay socon doonaan illaa Al-Shabaab laga saarayo gobolka ay heystaan ee Jubbada Dhexe. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in labo jibaarayan dagaalkooda, si looga adkaado gabi ahaan Al-Shabaab. DF ayaa wada qorshe ay saldhig weyn uga furaneyso Baardheere, kaas oo la doonayo in laga fuliyo howlgalka Al-Shabaab looga saarayo gobolka Jubbada ee K/ Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites