Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM oo la wareegtay amniga magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen amniga doorashada Jubbaland.

Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo taliyaha ciidanka AMISOM oo kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa isku raacay in Booliska AMISOM iyo kuwa Jubbaland lagu wareejiyo amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu aqbalay in doorashada lagu qabto xarumta QM ee ku taalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta.

Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhooweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga.

Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this