Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaaladada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in xalay halkaasi markii labaad ay soo weerartay jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug

Dableey hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka sool oo ay ku sugan yihiin ciidanka Booliiska Somaliland waxaana mudda saaacad ah halkaasi laga maqlayey dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan.

Dableeyda weerarka soo qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Sidoo kale habeen ka hor ayaa dableey hubaysan oo ka tirsan isla jabhaddan waxay weerar ku qaadeen xerada loo yaqaanno Buurta Sayidka ee magaalada Laascaanood oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland

PUNTLAND POST

The post Dagaal xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this