Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar qolo oo ka midaysan in Kismaayo dagaal ka dhaco

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Qatar, ayaa sida la sheegayo dabada ka riixaysa musharrax lagu magacaabo, Cabdinaasir seerar oo u taagan doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland, si ay meesha uga saarto, madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale u tartamaya doorashada Jubaland.

Warbaahinta Qatari Leaks oo xiganaysa ilo’ xog-ogaal ah oo aysan magacaabin, ayaa sheegtay in dowladda Qatar ay musharrax Seeraar taageero dhaqaale u soo maraysay, Kusimaha hay’adda hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran (NISA) Fahad Yaasiin Xaaaji Daahir, si ay xasarad uga dhaliso doorashada Jubaland.

Sidoo kale, Qatari Leaks waxay sheegtay in dowladda Qatar ay qaar kamid ah warbaahinta dalka kenya lacago badan ku siisay, si ay borobagaandho uga faafiyaan doorashada Jubaland.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in uu xiriir hoose ka dhexeeyo musharrax Seeraar, Kusimaha NISA Fahad Yaasiin, dowladda Qatar iyo Al-shabaab, ayna ka midaysan yihiin, in ay qalalaase ka abuuran doorashada Jubaland.

Qatar ayaa sida warbixintu sheegayso, waxay doonaysaa in Kismaayo dagaal ka qarxo, dabadeedna musharrax Seeraar ay u suurta-gasho in uu qabsado qeybaha kamid ah magaalada, si AMISOM loo kala dhex-dhigo dhinacyada dagaallamaya oo meesha looga saaro awoodda ciidan ee Axmed Madoobe.

Hoos ka akhriso warbixinta oo English ah

PUNTLAND POST

The post Afar qolo oo ka midaysan in Kismaayo dagaal ka dhaco appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this