Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo wareejiyey awoodiisa aqbalayna in doorashada lagu qabto xarunta QM ee Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu dambeyn aqbalay in doorashada lagu qabto xarunta Qaramada Midoobay ee ku taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay taliyaha guud ee ciidamada AMISOM.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ogolaaday in amniga doorashada lagu wareejiyo ciidamada Booliska AMISOM oo kaashanaya kuwa Jubbaland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Saacadaha soo socdo ee maanta ayey ciidamadani la wareegi doonaan goobaha doorashada, iyadoo haatan dhaq dhaqaaqyo laga dareeyamayo gudaha magaalada Kismaayo.

Arrintan ayaa waxaa horay u soo jeedisay dowladda Soomaaliya oo iyadu dalbatay in doorashada lagu qabto xarunta UN-ka, kadib cabasho kadib musharraxiinta.

Sidoo kale qaar ka mid ah musharraxiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey tallaabada ay AMISOM kula wareegeyso amniga doorashada Jubbaland.

Doorashada ayaa la filayaa in la qabto isla bishan August, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay laga dareemayo magaalada Dekedda leh ee Kismaayo.

 

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this