Deeq A. Posted August 5, 2019 Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland ayaa wuxuu maanta qaabilay taliyaha howlgalka AMISOM ee Tigabu Yilma Wondimhunegn. Labada dhinac ayaa waxay kawada hadleen amniga doorashooyinka maamulkaasi iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, ayaa shaaciyey in laysku raacay in amniga doorashada ay labada dhinac iska kaashadan. Doorashadda Jubbaland ayaa waxaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 24-ka bishan, iyadda oo haatan ay socoto soo xulista Xildhibaanada cusub. View the full article Share this post Link to post Share on other sites