Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo wafdi culus usoo diray Muqdisho lana kulmay R/W Kheyre + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda, David Hale oo Muqdisho soo gaaray

Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa looga hadlay deyn cafinta, la dagaallanka argagaxisa iyo dhismaha ciimadamada qaranka Soomaaliyeed.

David Hale oo dowladda ku ammaanay dadaallada horumainta dalka ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku-xigeenka Xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dhanka Siyaasadda ayaa kulankooda sidoo kale iskula soo hadal qaaday kaalinta Mareynkanka uu ka gaysanayo dadaallada dib-u-kabashada qaranka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhexeeya xariir qota dheer oo soo jireen ah oo ku dhisan horumarinta danaha labada dal iyo labada shacab.

Hale_Iyo_Khayre__1_.jpeg Hale_Iyo_Khayre__2_.jpeg Hale_Iyo_Khayre__3_.jpeg Hale_Iyo_Khayre__4_.jpeg Hale_Iyo_Khayre__5_.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this