Sign in to follow this  
Deeq A.

Saldhig Laga Qorsheynayo Xoreynta Jubada Dhexe Oo Laga Furayo Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xooga Dalka ee Gobalka ee Gedo ayaa sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo Taliska laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe ee ay gacanta ku hayaan Alshabaab

Taliyaha Taliska Guutada 10aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo Gaasaanle Sare Maxamed Cadow Cali(Sanka) iyo xubno uu hoggaaminayo oo maanta gaaray halkaasi sheegay in Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo laga furayo saldhig laga qorshaynayo dib u xoreynta Gobalka Jubada Dhexe.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha magaaladaasi Baardheere Maamulka degmadaasi iyo Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

“Aniga booaqaashadeyda waxaa uu qeyb ka yahay dardargelinta howlgalada socda,qorshaheyna ayaa wuxuu yahay in aan aas aasno saldhigweyn oo loogu talagalay in laga qorsheeyo howlgalkiia maleeshiyada Ashabaab looga qabsan lahaa guud ahaan Jobada Dhexe”. Ayuu yiri Taliye Maxamed Cadow Cali(Sanka)

Goblada Jubooyinka iyo Gedo waxaa ka soconaya howlgalo ballaaran oo ciidanka xooga ay ku doonayaan in ay dib Alshabaab ay kala wareegaan gobalka Jubada dhexe, si lamid ah howlgalada ka socda gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this